Gudoomiyaha gudiga nabad galyada iyo xasiloonida Midowga Africa Ismaaciil Chergui, ayaa la kulmay xubno ka tirsan midowga Africa, isaga oo kala hadlay sida loo kordhin karo howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya.
Sidoo kale kulankaasi ayaa looga hadlay sida loo taageeri lahaa hayadaha kala duwan ee dowlada Soomaaliya, sida tayeynta ciidamada qaranka Soomaaliya, sida uu warbaahinta u sheegay Ismaaciil Chergui.
Kulankaasi ayaa waxaa ka qeyb galay wakiilo ka socday midowga Africa iyo wadamada kala ah Shiinaha, Canada, Denmark, Midowga Yurub, France, Germany, India, Italy, Japan,Kuwait, Qatar, Russia, Sacuudiga, Spain, Sweden iyo Mareykanka.
Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Midowga Africa.
Kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray fursadaha taageero ee la siinayo dowlada Federaalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa la sheegay in Soomaaliya laga taageeri doono dadaalada nabadeed ee ka socdo dalka Soomaaliya..
Dhamaan xubnaha kulanka yeeshay ayaa sheegay in ahmiyada koowaad ay tahay in taageero buuxdo la siiyo dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Africa ee ku sugan dalka Soomaaliya.


