Maxay ka wada hadleen Wasiirka Dastuurka & Duqa Muqdisho?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Saalax Axmed Jamac ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud (Filish).

 

Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay kawada hadleen arrimaha dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan maqaamka caasimadda Muqdisho ay ku dhex yeelanayso nidaamka Federaalka.

Gudoomiyaha ayaa lasiiyay warbixin ku saabsan nuucyada maqaamka caasimadda ee ka jira dowladaha federaalka dunida si aragti looga qaato.

Gudoomiyaha ayaa ka mahadceliyay warbixinta tifaftiran ee loo soo bandhigay waxa uuna ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka islamarkaana dadka deggan caasimadda ay diyaar u yihiin in ay aragtidooda ku biiriyaan howlaha ka socda Dastuurka.