Maxay ka wada hadleen maamulka Galmudug iyo Itoobiya ?

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib markii uu dhowaan tagay dalka Talyaaniga, isagoo soo maray dalka Itoobiya.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in labo cisho oo uu ku sugnaa dalka Itoobiya, waxaana uu madaxda Itoobiya uu kala hadlay arimo la xiriiri amniga maamulka Galmudug gaar ahaan khilaafaadyo dhowaan udhaxeeyay ciidamada Liyuu booliis ee Ismaamulka Itoobiya iyo ciidamada Galmudug.

Waxaana uu sheegay in shacabka ku nool deegaanka Docoley oo ka tirsan gobolka Galgaduud ay ciidamada Liyuu boolis ku eedeeyeen in ay gudaha u soo galeen magaalada oo dad shacab ah ay ka barakiciyeen.

Madaxweyne C/kariin ayaa sheegay in arintaasi ay kala hadleen si looga wada shaqeeyo amniga guud.