DHAGEYSO: Puntland “ma aqbali doono go’aamo si gaar ah loo gaaray”

Maamulka  Puntland ayaa ka digay arrimaha ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlayo arrimaha Dastuurka dowladda Soomaaliya, maadaama horay loogu heshiiyey in dibu eegista dastuurkan ay ka dhacdo magaalada Garoowe, 10-ka Bisha May, iyadoo ay kulmi doonaan Madaxda maamul goboleedyada iyo Dawladda Soomaaliya  si ay uga wada hadlaan waxyaabaha u baahan wax ka bedelka Dastuurka Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan Puntland aqbali doonin qodobada wax ka bedelka lagu sameeyey iyo Shir kasta oo laga leeyahay dano Siyaasadeed.

Quraan jecel ayaa sheegay in ay Puntland doonayso in meel laga dhigo heshiiskii 12-ka April  lagu soo gaaray Muqdisho, kaas oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in Guddiga Dibu eegista Dastuurka ay tagaan Garoowe, isla markaasna laysla meel dhigo arrimaha u dhaxeeya labada dhinac.

Maamulka Puntland waxa ay marar badan ka hadashay arrimaha Dastuurka oo wax laga bedelay, waxa ayna sheegtay in aysan aqbali doonin go’aamo si gaar ah loo gaaray.