Maxay Chelsea u baahan tahay si ay Barcelona uga reebto UCL?

Tababare Antonio Conte ayaa shardi uga dhigay ciyaartoyda kooxdiisa Chelsea inay soo saaraan qaab ciyaareedkooda ugu fiican kulanka caawa ay wajahayaan Barcelona si ay la yaab uga dhigaan tartanka UEFA Champions League.

Barcelona ayaan xilli ciyaareedkaan guuldarro la kulmin horyaalka La Liga, iyadoo todobo dhibcood oo nadiif ah kaga hogaamineysa kooxda kaalinta labaad ee Atletico Madrid, labadeeda weeraryahan Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaana isku darka dhaliyey 47 gool.

Tababare Conte ayaase doonaya inay Chelsea soo bandhigto qaab ciyaareed ay ku go’aamin karto natiijada kulankaan lugtiisa koowaad: “Waxa aan ka hadleyno waa kulan weyn, waa tartan culus oo aan ku wajaheyno mid ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan adduunka.

“Waxaan u baahan doonaa inaan soo saarno ciyaarteenna ugu wanaagsan haddii aan dooneyno inaan ku adkaanno kulankaan.

“Barcelona waa koox dhib badan oo awoodda inay fursado badan abuurto ciyaar walba, sidoo kalena goolal badan dhaliso, sidaas darteed waa inaan diyaar u noqonnaa inaan si adag u shaqeyno xitaa marka aanan kubadda heysan, waa inaan ahaanno koox agaasiman, marnaba yeysan dhicin inuu madaxeennu hooseeyo inta lagu jiro ciyaartaan”.