Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa ballan qaaday in la ciqaabi doono “Dambiileyaashii” masuulka ka ahaa dilkii wariye Jamal Khashoggi ee Turkiga lagu dilay.
Asagoo ka hadlayey madasha ganacsiga ee ka dhacaysa Riyadh, Mohammed bin Salman ayaa yiri “Fal dambiyeedkaas waxa uu xanuun ku ahaa dhammaan dadka reer Sacuudi” mana noqo doono mid aan ku kala tagno Turkiga.
Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa horay u beeniyey eedaymaha sheegaya in Dhaxal Sugaha laftiisu uu kaalin ku lahaa dilka.
Khashoggi ayaa 2-dii October booqasho ku tagay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
Dawladda Sacuudiga ayaa dilka ku eedaysay koox dilaa ah oo arxan daran.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegaya in saxafigaas lagu dilay qorshe si feejigan ay u soo abaabuleen saraakiisha sirdoonka Sacuudiga iyo saraakiil kale wuxuuna ku tilmaamay “dil siyaasadeed.”
Muxuu yiri Dhaxal Suguhu?
Waa markii ugu horraysay ee uu si rasmi ah uga hadlo arrintan tan iyo markii Sacuudigu uu qirtay in Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda.
Waxa uu sheegay in dilku uu ahaa “Dambi bahalnimo ah oo aan marmarsiiyo loo raadin Karin” wuxuuna ballan qaaday in “Kuwii ka dambeeyey fal dambiyeedkaas lala xisaabtami doono … ugu dambayntana caddaalada la hor keeni doono”
Waxa uu sheegay in Turkiga ay wadashaqayn wanaagsan lahaayeen, asagoo intaas ku daray: “Dad badan ayaa iskudayaya in ay ka faaidaystaan xaaladdan xanuunka badan si ay ukala geeyaan Sacuudiga iyo Turkiga. Waxaan doonayaa inaan farriin u diro: Waligiin ma awoodi doontaan in aad sidaas yeeshaan.
Shirkan oo saddex maalmood soconaya oo loo bixiyey ” Hindisaha maalgashiga mustaqbalka” laguna magacaabo “”Davos in the desert”, ayaa muhuum u ah Sacuudiyiinta balse waxaa mar horeba qaaddacay qaar badan oo kamid ah hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo siyaasadda ee reer Galbeedka wixii ka dambeeyey arrintii Khashoggi.



