Maxaa looga hadlay Kulankii ugu horreeyay ee Wasiiradda Cusub ee Puntland

Golaha wasiirada cusub ee Puntland, ayaa maanta yeeshay shirkoodii ugu horreeyay ee Khamiislaha, tan iyo markii ay xilka la wareegeen.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa looga hadlay; arrimaha amniga, xeer-hoosaadka xukuumadda, kobcinta dakhliga Puntland, wada-dhaqeynta wasaaradaha iyo warbixinno laga dhegaystay qaar kamid ah wasaaradaha.