Muqdisho-RisaalaFM- Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac Ilka-Jiir. Shirka ayaa looga dooday qodobo kala duwan, iyadoo lagu meel-mariyey xubnaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliya.
Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixinta Amniga ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini, isagoo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey howlgallada ka socda dalka. Wasiirka ayaa xusay in dagaalladii ugu danbeeyey ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray gobolada qaar ee dalka guulo laga gaaray.
Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbiyey xubnaha guddiga Saxaafadda Soomaaliya, guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa lagu soo xulay aqoonta ay u leeyihiin saxaafadda iyo shuruucda hagaysa. Golaha ayaa dood dheer kadib ansixiyey guddigan, waxana ay soo jeediyeen in qodobada qaar wax ka badel lagu sameeyo.
Ugu danbeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/rixmaan Odawaa ayaa warbixin ka siiyey Golaha Wasiirada halka uu marayo barnaamijka Hiigsiga 2016 iyo raashin ay leedahay Hay’adda WFP oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.


