R/wasaaraha “Qasab laguma celin karo Qaxootiga Dhadhaab”

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa horey waxa ay ushaacisay in ay xireyso xeryaha Qaxootiga Dhadhaab, waxii ka dambeeyay weerarkii magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen 147-Qof sanadkii 2015.

Wargeyska Washington Post, ayaa qoray in Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke uu sheegay in aysan dooneyn in Kenya ay ku qasabto Qaxootiga in ay ka baxaan Xeryaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Qaxootiga ay u baahan yihiin waqti ku filan oo ay kaga guuraan Xeryaha Dhadhaab, balse aysan suuragal aheyn in sanadkaan gudihiisa lagu fuliyo go’aankaasi.

“tani waxay sii kordhin kartaa falal amni xumo  ee labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya, sababtoo ah Dhallinyarada Qaxootiga ayaa ku biiri kara Al-shabaab, waana in laga fikiraa halka ay ku dambeyn karto noloshada Dadkaan” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo kula kulmay Magaalada Brussels, xoghayaha QM Banki Moon, ayaa ka dalbaday bulshada Caalamka in laga taageero dowladiisa dib u celinta Qaxootiga Soomaalida.