Maalinta Caruurta Afrika oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa laga xusay Munaasabada Maalinta Caruurta Afrika oo ku beegan 16-ka June maanta oo kale.

Munaasabada lagu xusayay Xafladan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Haweenka Iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha dowladda Soomaaliya.

Madax ka socotay AMISOM ayaa ka soo qayb gashay Munaasabada oo si aad ah loogu falan qeeyay Caruurta Afrika iyo caqabadaha kala duwan ee xilligaan haysata.

Madaxdii ka qayb gashay Munaasabada ayaa si aad ah uga hadlay dhibaatooyinka kala duwan ee haysta caruurta Afrika oo ugu horeyso Waxbarasho la’aan iyo dhanka nabadgelyada.

Wasiirka haweenka Xukuumadda Soomaaliya Sahra Cali Samatar, ayaa sheegtay Caruurta Soomaaliyed in ay u baahan yihiin helida waxbarasho lacag la’aan ah, si aqoontooda sare loogu qaado.

Maalinta Caruurta Afrika ayaa loo dabaaldegay,  markii ugu horeysay  Bishii June sanadkii 1991-kii xilligaas oo uu bilaabay Ururka Midowga Afrika.