MAXAA KA SOO KORDHAY DAGAALKA BAARDHEERE:- Khasaare Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka iyo Maamulka DFs oo la wareegay xarunta degmada

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo weli ka socda degmada Baardheere ee gobokka Gedo, kaasi oo u dhexeeya ciidamada kala taabacsan Maamulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidanka taabacsan DF ay shalay isaga baxeen degmada, kadibna Goobihii ay baneeyen la wareegeen Ciidamada Jubbaland, inkastoo saaka ay ciidamada DF weerar ku soo qaadeen Ciidamada Jubbaland.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku haynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid xoogan uu ka socdo bartamaha magaalada, gaar ahaan xarunta degmada oo ay isku hayaan labada dhinac.

Dadka dagaalka ku geeriyooday ayaa waxaa ka Maxamed Ilyaas Caagane oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ay dhowaan dowladda Soomaaliya u magacowday maamulka degmada Baardheere, wuxuuna ahaa madaxda arrimaha bulshada ee degmadaasi.

Inta la ogyahay ilaa 5 qof ayaa ku geeriyootay dagaalka, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, Sida uu Risaala Media u sheegay Buraale Ibraahim Xuseen oo ka mid ah masuuliyiinta ay DF u magacowday degmada Baardheere.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan ciidamo gurmadyo ah, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Gobolka Gedo ayaa loolan adag waxa uu ku dhexmarayaa Dowladda federaalka iyo Jubbaland hayeeshee degmooyinka qaar oo ay Dowladda gacanta ku hayso ayaa la doonayaaa in laga qabto doorasho qof iyo cod ah.