Baarlamaanka Turkiga ayaa aqbalay codsiga kasoo baxay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordugan ee ah in muddo sanad ah loogu kordhiyo howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya.
Golaha loo dhan yahay ayaa ka kulan ka yeeshay qaraar qabyo ah oo lagu kordhinayo howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka cadmeed, badda Soomaaliya iyo badda Carabta muddo sanad ah.
Warka ka soo baxay madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa ku sheegay in askarta Turkiga ay u adeegaan qaab dhismeedka Qaramada Midoobay iyo NATO.
Qaraarka ayaa waxa lagu sheegay, in Ciidamada Badda Turkiga ee ka hawlgala xeebaha Soomaaliya ay muhiim u yihiin Amniga maraakiibta iyo ilaalinta doomanka Ganacsiga Turkiga, si aysan ula kulmin weeraro uga yimaada Burcad-badeedda Soomaalida.
Joogitaanka ciidamada Turkiga ee ku sugan biyaha carbeed ayaa wax badan ka tara ammaanka marinka Baab al-Mandab oo ah marinka afraad ee dunida ugu weyn ee ay maraan maraakiibta sidda shixnadaha ganacsiga iyo waliba shidaalka kasoo baxa dalalka dhaca Bariga Dhexe.
Turkiga ayay Soomaaliya ka joogaan saraakiil ciidan kuwaasoo ciidanka Soomaaliya ka gacan siiya dhanka tababarrada si ay ugu suura gasho in si buuxda ay u wareegaan masuuliyadda ammaanka dalka.



