Maxaa ka jra in dagaalka Al-Kowthar lagu dilay Abwaan Nageeye.?

Warar la isla dhex marayo baraha bulshada ayaa sheegaya in dagaalkii maanta ka dhacay degmada Al-kowthar lagu dilay Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo dhowaan ku biiray AS, kana soo dhex muuqday maleeshiyo tababar loo soo xiray.

Warkan oo markiisii hore uu faafiyay Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa qabsaday baraha bulshada, balse ma jirto cid xaqiijisay, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Somaliya oo ku saabsan arrintan.

Nageeye Cali Khaliif waa macallin, abwaan iyo saxafi xirfad sare lahaa, iyo qoraa. Seddexda xirfadoodba si firfircoon ayuu ugu dhex jiray.

Haddaba maxaad ka taqaanaa shaqsigan hadal haynta badan ka dhex abuuray baraha bulshada.

Nageeye Cali Khaliif, sida uu isaguba sheegay, wuxuu 1992 ku dhashay degmada Darroor ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Laakiin waxa uu ku barbaaray Somaliland, halkaas oo waxbarashada aas-aasiga ah uu ku qaatay.

Wuxuu sheegay inuu waxbarashada hoose ka bilaabay magaalada Hargeysa sannadkii 2003, wuxuuna intaa ku daray in 2011 uu iskuulka ku dhameeyey isla Hargeysa.

Shaahaadada 1aad ee jaamacadda ee cilmiga siyaasadda ayuu sheegay inuu 2014 ka qaatay jaamacadda New generation ee ku taalla magaalada Addis Ababa.

Shahaadada labaad ee jaamacadda oo uu saxaafadda ku bartay ayuu iyadana sheegay inuu ka qaatay jaamacad kale oo ku taalla isla magaalada Addis Ababa, isaga oo daraaseeyay saxaafada Soomaalida, si gaar ah wargeysyada.