War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka iyo ciidamada dadka Deegaanka ay maanta si weyn Al-shabaab ugu jebiyeen weeerarro ay ku soo qaadeen deegaano ku yaalla Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 70 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay dagaalka maanta ka dhacay deegaanada kala ah Cadow Gureey, iyo degmada Al-Kowthar.
“In ka badan 70 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgallo ka hortag ah oo Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku jebiyeen cadowga, kuwaasi oo ka dhacay deegaanka Caddow-Guray oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, deegaanka Ceel Cali Axmed iyo degmada Alkowsar oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda Federaalka.
Sidoo kale qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri “Inta ay socdeen hawlgalladaan waxaa sidoo kale lagu furtay hub badan, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid nooca dagaalka, kuwaasi oo ay wateen Khawaarijtu.,Dowladdu waxay wali tirakoobaysaa khasaaraha iyo jabka aan la soo koobi karin ee cadowga lagu gaarsiiyay hawlgallada guulaystay ee maanta lagu fashiliyay dhagarta cadowga, dhawaanna lala soo wadaagi doonaa shacabka Soomaaliyeed wararkii ugu dambeeyay. “
Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:-




