Imaaraadka Carabta oo Gabagabo ku dhow Dhismaha Saldhig Millatari oo ku yaalla Berbera

Warbaahinta The Global Eye ayaa daabacday warbixin ay ku sheegtay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay gebogebo ku dhowdahay ballaarinta saldhig millatari oo ku yaalla agagaarka Garoonka Diyaaradaha Berbera.

Warbixinta ayaa sheegtay in saldhigga lagu kordhiyay xarumo cusub oo difaaca cirka ah, nidaamyo raadaar, hangarro loogu talagalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo diyaaradaha kale, iyo sidoo kale bakhaarro dhulka hoostiisa laga dhisay oo lagu kaydinayo hub iyo saanad ciidan.

The Global Eye waxay sidoo kale ku doodday in saldhigga ay wada adeegsan doonaan Imaaraadka Carabta, Mareykanka iyo Israa’iil, inkastoo aan weli jirin xaqiijin rasmi ah oo ay arrintaas ka bixiyeen dowladaha ay warbixintu xustay.

Illaa iyo hadda, Somaliland, Dowladda Imaaraadka Carabta, Mareykanka iyo Israa’iil midkoodna si rasmi ah ugama hadlin warbixinta ay baahisay The Global Eye.