NISA oo War ka soo saartay duqeyn ka dhacday Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 48 xubnood oo oo isugu jira maleeshiyaad iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

“Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal duqeyn ah oo lagu dilay 48 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska NISA ma soo bandhigin xubnaha ay sheegtay in ay duqeynta ku dishay, iyo magacyadooda.

Qoraalka ayaa u qornaa sidan:-