Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa maanta tagay deegaanka Juxaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe, halkaasi oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad macawiisleyda.
Cali Guudlaawe ayaa dhiirogelin ugu tagay ciidamo macawiisleey oo qeyb ka ah howgalka socdo, kuwaas oo ku sugan deegaanka Juxaay.
”Al-shabaab 16 sano ayay dadka dhaqaale ka guranaayeen, waaana laga racdeeyay, maanta rafasho ayay ku jiraan, waana laga adkaaday”
War ka soo baxay madaxtooyada Hirshabelle ayaa u qornaa sidan:-
Juxaay, 25-Feebaraayo-2025: Hirshabeelle iyo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ayaa dardar ku socdo xilli furimaha dagaalka uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein
Madaxweynaha ayaa dhiirogelin ugu tagay ciidamo macawiisleey oo qeyb ka ah howgalka socdo kuwaas oo ku sugan deegaanka Juxaay.
Hoggaanka ciidamada Macawiisleeyda ayaa wacad ku maray inay goob walba ku weerari doonaan Khawaarijta.
“Lama joogo waqti aan gacmaha ka laabbano damaca guracan ee Khawaarijta. Guud Hirshabeelle waxaa ka socdo dagaal geeri ama gobanimo ah.”
Gunaanudkii, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa xusay inay guuldareysteen isku dayadoodii Caddoow-Gureey, Al-Kowsar iyo Ceel Cali Axmed.



