Waan waan laga dhex bilaabay Lafta gareen iyo Aadan Madoobe.

Wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdiga waxaa ka mid ah Xildhibaan Aadan Saransoor, Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed, Xildhibaan Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan, Xildhibaan Isaaq Maxamed Maxamuud (Isaaq Awow) iyo Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed.

Socdaalka wafdigan ayaa la xiriira gogosha nabadda ee dhawaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, taas oo lagu doonayo in xal looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka.

Ka hor inta aysan Baydhabo u safrin, Maxamed Mursal iyo Aadan Saransoor ayaa Nairobi kulan kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, halka Muqdisho ay kula kulmeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Xubnahan ayaa waan waan ka dhex wada Lafta gareen iyo Aadan Madoobe, kuwaasi oo doonaya inay wadahadal siiyaan.

Wafdiga ayaa Baydhabo kula kulmi doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, iyagoo dhageysan doona aragtidiisa ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, wafdiga ayaa la filayaa inay magaalada Baydhabo ka bilaabaan kulamo iyo wadatashiyo ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo socdaalkooda lagu tilmaamay dadaal lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda jirta, isla markaana dhinacyada kala duwan loogu abuuro fursad ay si nabad ah ugu kala aragti dhiibtaan.