Maxaa ka cusub shirkii Madasha Qaran ee la filayay in maanta la soo gaba gabeeyo

Shirka looga hadlaayo doorashada Soomaaliya ayaa wali waxa uu ka socdaa magaalada caasimadda ee Muqdisho.

Shirkaan ayaa shalay ka furmay magaalada muqdisho waxaana furay madexweynaha Soomaaliya Xasan sheikh maxamuud,waxaana shirkaan go’aan looga gaaraya nooca doorasho ee dalka soomaaliya ka dhici karta sanadkaan 2016.

Shirkaan ayaa manta galinka dambe waxaa lagu waday in laga soo saaro qodobo ay isku raaci doonaan madaxda dowladda fadaraalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka, balse wali aan war murtiyeed laga soo saarin.

Waxaana wararka qaar ay Idaacadda Risaala heleyso ay sheegayaan in kulamo gaar gaar ah cawa ay usocdaan madaxda shirka ka qeyb galeysa.

Shirkan ayaa waxaa Goob joog ka ah xubno ka socda beesha caalamka urur goboleedka IGAD.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa dhowaan heshiish ku kala saxiixday magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland.

Maalinta berri ah gelinka hore ayaa la filayaa in shirka Madasha Qaran laga soo saaro war murtiyeed iyo qodobo lagu heshiiyay.