Mareynkanka oo Viisaha ka joojiyay dalal ay Soomaaliya ku jirto

Dowladda Mareynkanka ayaa wadamada Yemen,Soomaaliya iyo Liibiya oo ay ka jiraan qataro dhanka amaanka ah waxa ay ku dartay Barnaamijka dhaafitaanka Viisaha,sidaasi waxaa maaintii khamiista ahayd sheegtay waaxda amniga gudaha Mareynkanka.

Barnaamijkaan uu soo rogay Mareynkanka ayaa ka dhigi doona nidaamka Fiisaha mid adag,kaasi oo si gaar ah u saameyn doona kuwa booqday quruumahaas inta lagu guda jiro shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xayiraadaan cusub ayaa lagu soo rogay xeer la ansixiyay ka dib weerarkii lagu qaaday magaalada Paris bishii November,kaasi oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen ururka islaamiga ee Daacish.

Muwaadiniinta Mareynkanka iyo Xulafada oo horay awood ugu lahaa iney u safraan Mareynkanka iyagoo marka heysan Fiiso,ayaa hada loo sheegay iney iska diiwaan geliyaan Qunsoliyada Mareynkanka si loogu helo Fiiso,hadii ay jirto iney u safreen wadamadaan la calaamadeeyay shantii sano ee la soo dhaafay.

Waaxda amniga gudaha Mareynkanka ayaa sheegtay in sharuuudahaan cusub aysan saameyn doonin muwaadiniinta ka yamid wadamada leh dhaafitaanka Fiisaha,kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin wadamada Yemen, Soomaaliya iyo Liibiya.