Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay kordhin doonto taageerada iyo Xoojinta dhinaca Militariga ah Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed si ay uga Adkaadaan Xarakada Al-Shabaab oo ay kala kulmayaan dagaal xooggan .
Sarkaal ka tirsan Wasaarada Gaanshaandhiga dowladda Mareykanka ayaa AP u sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay taageerida iyo sidoo kale horumarinta Ciidamada Soomaaliya.
Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale tilmaamay in tabta kaliya ee looga adkaan karo Shabaab in ay tahay tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay diyaarisay qorshayaal aad u badan oo lagula dagaalamaayo Al-Shabaab , islamarkaana muhiimada koowaad ay siin doonaan tababarada iyo sidoo kale Qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay kordhin doonto Weerarada dhanka cirka ah ee ay ku qaadeyso goobaha ay joogaan Al-Shabaab.


