Mareykanka oo ka hadlay howlgallo uu ka fuliyay Soomaaliya

Mareykanka-RisaalaFM- Waaxda Difaaca Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka ayaa faah faahin ka bixisay in ciidamadeeda ay howlgallo ka fuliyeen qeybo ka mid ah Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya kuwa Mareykanka iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab ay ka fulyeen Bilihii la soo dhaafay Koonfurta Soomaaliya.

Mareykanka ayaa laga soo xigtay in ay duqeeyeen saldhigyo Al-shabaab ay ku layaayeen Koonfurta Soomaaliya sidoo kalena ay dileen Saraakiil iyo Askar ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiiil ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in ujeedka howlgallada ciidanka Mareykanka ay ka wadaan Soomaaliya uu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa horey usheegtay in ay ka go’antahay taageerista ciidamada dowladda, ciidamada Midowga Africa iyo sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

Al-shabaab ayaa ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowladaha taageera Soomaaliya ee ciidanka uu ka joogo Soomaaliya.