Qaahira-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya dalka Masar ayaa sheegaya in ciidanka Boliiska Masar ay magaalada Qaahira ku xir xireen dad Soomaali ah oo gaaraya ilaa iyo 60 qof.
Dadkan ayaa isugu jira Wiilal, Gabdho iyo Caruur waxaana ay ahaayeen Tahriibiyaal.
Dadkan ayaa doonayay in ay ka tahriibaan xeebaha dalka Masar islamarkaana ay ugudbaan dalka Talyaaniga oo ay doonayeen in Qaarada ay ka galaan.
Qaar ka mid ah dadka ku sugan magaalada Qaahira ayaa sheegaya in dadkan laga qab qabtay meelo kala duwan islamarkaana lagu xiray magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Qul qulka muhaajiriinta Afrikaanka ah ee doonaya in ay galaan dalalka Yurub si ay uhelaan nolol ka duwan nolosha ay ku heystaan dalalkooda.
Dhowaan ayay aheyd markii Dooni siday 400 oo qof ay ku qalibantey bada udhaxeysa Talyaaniga iyo Masar, waxaana dadkaas la sheegay in 200 oo ka mid ah ay ahaayeen Soomaali.


