Beydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa ka hadlay shirka ka socda magaalada Beydhabo.
C/wali Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in la isku tanaasulo si loo helo xasilooni iyo nabad waarta.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan shacabka Dooorashada sanadkan la filayo in dalka ay ka dhacdo.
Ammaanka Magaalada Beydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana amaanka iska kaashanaya ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM.
Ugu danbeyntii Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa la filyaa in ay go’aan wadajir ah ka soo saaraan shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Beydhabo.
Shirkan Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horay waxaa loogu soo qabtay Magaalooyin ka tirsan Soomaaliya sida Magaalada Muqdisho, Garoowe, iyo Kismaayo.


