Deg Deg: Ciidanka Puntland oo heegan buuxa la galiyay

Bari-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada carmo ee gobalka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay howlgal xoog leh ka bilaabeen deegaano ku dhow dhow degmada Carmo.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii ciidamada maamulka Puntland ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada maamulka Puntland ay mar walba heegan ugu jiraan sidii Mucaaradka hubeysan ay uga hortagi lahaayeen.

Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay maanta Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde, ayaa lagu sheegay in lagu amrayo dhamaan Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland in aysan wareysan karin C/samad Galan oo horey u ahaa Gudoomiyaha gobolka Bari.

Arintan ayaa ka dambeysay, kadib markii qaar ka tirsan Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland Wareysi ay ka qaadeen Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad Maxamed Galan oo ah shaqsi ka soo horjeeda Puntland.