Muqdisho-RisaalaFM- Sanadihii u dambeeyay waxaa soo laabanaayay bilicdii lagu yaqaanay magaalada Muqdisho oo tan iyo markii meesha ay ka baxday Xukuumadii Dhexe ee dalka ka talin jirtay iyana la waayay.
Muqdisho oo hada dhismo balaaran uu ka socdo, ayaa taasi waxaa bar bar socda soo noqoshada bilicdii ay lahaan jirtay Magaalada, iyadoo dhalinyaro is abaabulay ay hada bilaabeen in ay Ubax ku beeraan wadada bartankeeda.
Tani ayaa waxa ay qayb ka tahay qorshaha Bilicda Magaalada Muqdisho oo si dar dar leh ay ku socoto.
Dhalinyaradan is abaabushay ee bilaabay in ay Ubaxa wadada ku beeray ayaa sheegay in qarash badan ay ugu talo galeen, sidii ay ku soo celin lahaayeen bilicdii ay lahaan jirtay caasimada.
Guddoomiyaha Dhalinyarada Is abaabulay oo la baxay magaca Ubaxa Muqdisho, ayaa sheegay lacag dhan 15,000 (Shan iyo Toban kun oo doolar in ay ugu talo galeen dhir beerida Muqdisho.



