Diyaarad sida gargaar dawo ah oo laga leeyahay dalka mareykanka ayaa goor dhoweyd soo caga dhigatay garoonka diyaarahada Aadan Cadde ee Muqdisho.
Waxaa garoonka ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu waddaa in maanta ay yimaadaan diyaarado sidda gargaar Caafimaad.
Shalay ayaa waxaa Muqdisho yimid diyaarado siday Dawooyin iyo dhaqaatiir oo laga leeyahay Jabuuti iyo Turkiga.


