DHAGEYSO: Gudoomiye Taabid oo ku dhawaaqay maalin tacsi ah

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo boqolaal dhalinyaro ah kula hadlay goobtii uu Qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in dhalinyaradda Soomaaliyeed ay muujiyeen door muhiim ah.

Waxaa uu sheegay in Shacabka laga doonaayo in ay la shaqeyaan Hay’addaha Amniga.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay maalin weyn oo tacsi loo sameyn doono dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe.

Waxaa uu sheegay in dadka kunool Muqdisho laga doonaayo in ay soo baxaan galabta Arbacadda oo ay ka qeyb qaataan Tacsidaasi.

Wixii ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa ku tilmaamay musiibo Qaran oo weyn.