Maraykanka oo ka walaacsan dib u dhac ku yimaada hanaanka doorashada 2016

Dowladda Maraykanka  ayaa shaaca ka qaaday in ay ka walaacsantahay in dib u dhac uu ku yimaado doorashada la filaayo in ay  sanadkaan ka dhacdo gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in  ay ka walaacsan tahay in hogaamiyaasha Soomaaliya ay sameystaan waqti kordhin taasna ay caqabad weyn ku noqon doonto bulshada Soomaliyeed iyo beesha Caalamka.

Maraykanku waxaa uu sheegay in looga baahanyahay madaxda dowladda Soomaaliya in ay raacaan jadwalka ay isku raaceen  beesha caalamka , dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya,taasna waxa uu sheegay in ay tahay muhiim hadii aan la raacina ay suurtagal tahay in isbedal uu  dhaco.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay Hay’adaha  federaalka laga sugaayo in ay la yimadaan qorsho cusub oo ku aadan xiliga kala guurka iyo sidoo kale hufnaan ku aadan in uusan dib u dhac ku imaaan hanaanka doorashada 2016,baarlamaanka Soomaaliya looga baahanyahay in ay dadajiyaan shuruucda doorashada.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay  in doorashada ay dhicidoonto waqtigii loogu talagay ,islamarkaan dowladda Soomaaliya aysan sameyn doonin wax waqti kordhin ah.