Maraykanka oo ka hadlay howlgalka qaarada Afrika

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay sii labo jibaari doonto howlgalka ay ka waddo wadamada qaarada Afrika oo ay sheegtay in ay ka jirto Qatar argagixiso.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Maraykanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay howlgal Milatari ka fulisay 38 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

General Milley ayaa sheegay in qatarta qaarada Afrika kasoo wajahaysa  Shabaab iyo Boko Xaaraam ay tahay mid saameyn ku yeelan kartaa amniga iyo xasiloonida wadamadaas,sidaas darteedna dowladda Maraykanka ay ku caawin doonto tababarida iyo howlgalinta ciidanka jooga dalalka qaaradda Afrika .

Maraykanku waxaa uu sheegay in hanjbaad joogta ay wadamada Yurub ka timaado Al-shabaab iyo Boko xaraam.

Dowladda Maraykanka ayaa dowr jeer howlgalo ka fulisay dalka Soomaaliya.