Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu la kulmay Wakiilka Gonzalo Higuain si uu ugu qanciyo kusoo biirista xiddigiisa kooxda Manchester United.
Daily Star ayaa, ku tilmaamay wararka sheegaya ka imaanaya Italy, kuwa saxan iyadoo Mourinho uu doonayo inuu dib ula midoobo Higuain, oo muddo saddex sano ah kawada shqaqeyeen Real Madrid.
Higuain, oo 28 jir ah, ayaa jejebiyey rikoorka gool dhalin ee Serie xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 36 gool waana in ka badan ciyaaryahan kale ee abid goolal intaas la eg ka dhaliyay hal xilli ciyaareed horyaalka Talyaaniga.
Napoli ayaa la fahmsan yahay in ay dooneyso xakameynta xiddiga iyo iyadoo heshiis cusub ka dalbatay, lakiin ciyaaryahanka ayaa doonaya inuu dhaqaaqo.
Chelsea ayaa sidookale diyaar u ah in ay la hadlaan wakiilada ciyaaryahanka reer Argentina, kasoo macquul ay tahay inuu suuqa ku lug yeesho xagaagan.


