Barlamaanka Galmudug yuu madaxweyne u dooran doonaa maanta?

Iyadoo Maanta lagu waddaa in Magaalada Cadaado lagu doorto Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxa jira Musharaxiin u taagan qabashada Xilkaasi , kuwaas oo kala ah:

Musharaxiintaasi ayaa kala ah:

  1. Axmed Ducaale Geelle Xaaf
  2. Cabdikadir Maxamed Shirwac
  3. Axmed Shariif Hilowle

Sedexdaan Musharax mid ka mid ah ayaa noqon doona madaxweynaha 2 aad ee maamulka Galmudug kadib markii uu Madxweyne Guuleed xilkaas horay u baneeyey.

doorashada madaxweynaha Galmudug oo dhowr jeer dib u dhacday ayaa maanta la filayaa inay ka dhacdo magaalada Cadaado ee caasimada KMG u ah Maamulkaas.