Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo) ayaa lagu waddaa in uu maanta u duulo dalka Itoobiya.
Waa safarkii ugu horreeyay ee uu ku tagaayo dalka Itoobiya tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada Soomaaliya 8 Bishii February ee sanadkaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waddaa Maanta gelinka dambe in uu u dhoofo Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sheegtay Madaxweynaha Soomaaliya uu Casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya.
Safarka Madaxweynaha waxaa uu qeyb ka yahay horumarinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale Iskaashiga dhanka Amniga.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga iyo Turkiga



