Hay’adda ka faaloota xasaradaha caalamka ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo ICG ayaa sheegtay in Somalia ay heysato fursad ay ku sameyn karto isbedel dhinaca amniga iyo siyaasadda ah oo ay muddo u baahneyd.
Hay’adda ayaa fursaddan u sababeysay yeelashada ay Somalia yeelatay madax cusub iyo caalamka oo si weyn u daneynaya.
Hey’adda ayaa talo u soo jeedisay Midowga Yurub iyo dhinacyada ku lugta leh shirka toddobaadka dambe ka furmaya magaalada London ee ay yeelanayaan beesha caalamka iyo soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay sheegtay Hay’addaasi in dowladda Soomaaliya ay haysato jaanis ay kula dagaalami karto dagaalyahanada Al-Shabaab.
Waxaa ay ugu baaqday dowladda Soomaaliya in aysan beerdareyn taageerada ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Warbixinta Hay’adda ayaa lagu xusay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay Shirka London la tagto qodobo Faa’ido u leh Bulshada Soomaaliyeed.


