DHAGEYSO: Ra’iisul Wasaare kheyre oo soo xiraya Kulan muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadda Magaalada Muqdisho in uu kusoo xiro maanta kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in uu bilowday waqtigii lala xisaabtami lahaa Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirada.

Mudane Kheyre ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Cidkaste oo xil loo dhiibo in lala xisaabtamo

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay diyaar u tahay in ay ka hortagto qabyaaladda ,islamarkaana ay siman ugu shaqeyso Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay Cidii lagu helo Musuq Maasuq in lala xisaabtamo Sharcigana la marsiiyo.