DHAGEYSO: Maxay tahay Muhiimada Shirka ka dhacaya London?

Wasiirka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in Shirka ka furmaya Magaalada London loogu hadlayo arrimo badan oo ay ka mid yihiin Kobcinta dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Shirka London ka furmaya loogu hadlayo sugidda amaanka guud ee Soomaaliya iyo dib u dhiska Ciidanka Dowladda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay Heshiisyo cusub oo hormarineed ay la saxiixan doonaan dowladdaha Xiriirka Wanaagsan ay Dowladda la leedahay.

Waxa uu sidoo kale faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qodobada ugu muhiimsan ee Shirka Magaalada London loogu hadlayo, Madaxda Dowladda iyo dowlad goboleedyada ay isku mowqif ka yihiin ka qeyb galka Shirka London.

10 ilaa 11 bishaan ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada London lagu qabto shir loogu hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya Madaxda Dowladdda, Madaxda Dowlad goboleedyada, iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.