Xildhibaanada Galmudug oo maanta Madaxweyne dooranaya

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta lagu waddaa in ay ka dhacdo Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa maanta lagu waddaa in ay doortaan Madaxweyne cusub ka dib markii uu horay isku casilay Madaxweynihii maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay .

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Kala soco waxii kusoo kordha Risaala.net