Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khudbad ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Qaaradda ay aas-aas u tahay qorsheyaasha kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

“Soomaaliya marka loo eego dhaawac soo gaaray dhaqaalaheeda iyo Hay’adaheeda dowladeed, maanta waxaa muuqanaysa in ay aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladdii aadka u adkayd, iyadoo cagta saartay dhabbaha xasilloonida dhaqaale, horumar bulsho iyo mid ganacsi  waxaana sii wadnaa qorsheyaal lagu xaqiijanyo soo kabashadaas dhaqaale iyo dhiirri-gelintiisa ayuu yiri” Madaxweyne Xasan oo Khudbad ka jeediyay shirkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Madaxda Bangiga Adduunka dadaalka ay ku bixinayaan maalgelinta iyo awood-siinta dowlad