Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal Qoraal ah u diray Madaxa Golaha Madaxtooyada Liibiya

Maxamed Yoonis Bashiir Bu Xuweysh Al-Menfi oo ah Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya  waxa uu ku qaabilay Ergay Khaas ah oo ka socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Yuusuf Axmed oo ah La-Taliyaha iyo Ergayga Khaaska ee Madaxweynaha JFS waxa uu Al-Menfi gaarsiiyey Dhambaal Qoraal ah oo uu u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaabilaadaasi waxay ka dhacday Xarunta Golaha Madaxtooyada Libya oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Tripoli, sida ay baahisay Wakaallada Wararka Libya

Madaxa Golaha Madaxtooyada Libya waxa uu ka hadlay Xiriirka laba Geesoodka ee u dhexeeya Somalia iyo Libya, isagoo diirada saaray Xiriirka xoogan ee dhinacyada badan taabanayo.

Sidoo kale , Waxa kale oo uu diirada saaray Xoojinta Xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal.

Xafiiska Madaxa Golaha Madaxtooyada Libya wax Faahfaahin dheeraad ah kama bixinin Nuxurka Dhambaalka Khaaska ee uu Madaxweynaha Jamhuuriryadda Fededaalka Soomaaliya  u soo diray dhigiisa dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee,  Wafdiga uu horkacayey La-Taliyaha iyo Ergayga Khaaska ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka koobnaa 4 Xubnood waxaa ka mid ahaa Ambassador Daahir Maxamuud Geelle oo ah Diblomaasi Rug-Cadaa ah.