Markab Xamuul oo ka shiraacday Djibouti oo la weeraray

Shirkadda UK ee Ammaanka Baddaha  ee loo soo gaabiyo AMBREY ayaa sheegtay in Markabkaasi uu ku sii jeeday Dekedda magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.
Markabkaasi oo uu ka dul-babanayey Calanka Malta waxaa lagu weeraray meel qiyaastii 54 nautical miles dhanka W/Galbeed kaga toosan Dekedda magaallada Mokha ee dalka Yemen.
Dhanka kale, Hay’adda UK ugu qaabilsan Hawlgallada Ganacsiga Baddaha (The United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) waxay tilmaamtay in 3 Gantaal lala beegsaday Markabkaasi oo waxyeelo geystay.
UKMTO waxay xustay in Gantaalka Koowaad uu ku dhacay meel ku dhow Markabka, halka 2 kalena ay ku dhaceen Markabka, lana soo weriyey Khasaaro soo gaaray markabkaasi.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen Weerarkaasi, waxayna ku eedeeyeen Markabkaasi inuu gacansaar la leeyahay Israel.