Maraykanka iyo Soomaaliya oo iska kaashanaya la dagaalanka Alshabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel  David Haskell.

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah waxuu Kala hadlay in ay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga saarayo Alshabaab  Waxuuna sheegay in dhawaan ay si wadajir ah ay u bilaaban doonaan dagaalka dalka Alshabaab looga saarauo degaano  iyo degmaauon ka tirsan goboladsa dalka

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta Howlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin qorshaha Howlgalka ay u joogaan Soomaaliya.

Hase’ahaatee ‘ Maraykanka ayaa Dawlada Soomaaliya ka gacan siiya duqaumaha dhibaca circa eel ala beegsado Alshabaab iyo saraakiishooda.

Maraykanka ayaa tan iyo markii uu Hawlgallada ka bilaabay Soomaaliya waxaa uu duqaymo uu ku dilay Xubno badan oo ka tirsan Alshabaab  oo isugu jiray saraakiil iyo xubno kale.