Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaaka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed Ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee dhameystirka hanaanka deyn cafinta .
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay guusha uu dalku ka gaaray Hanaanka deyn cafinta, isagoo hambalyo kadib bayaaniyey qorshaha xiga deyn cafintaan, balse wuxuu shaaciyey arrin aysan dad badan ka fahansaneyn dayn-cafinta
Madaxweynaha ayaa sheegay in adduunyadu ay abaal-gashatay Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay guuleysatay inay dib ugu laabato hanaankii dhaqaalaha dunida oo waayo badan ay ka maqneed.
Sidoo kale ‘ Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay in magacooda lagu soo qaato deymo aan la bixi doonin oo Soomaaliya ku celin kara in mar kale ay caalamka dhaqaale weydiisato.
Hadalka Madaxweyne Xasan sheekh ayaa ku soo aadayaya Xilli Soomaaliya ay ku guuleysatay Dhameystirka Hanaanka Deyn Cafinta Soomaaliya lacago malaayiin doolar ahna laga cafiyay



