Madaxweyne Xaaf oo weerar Afka ah ku qaaday Dowladda dhexe

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa weerar Afka ah ku qaaday dowladda dhexe ee Soomaaliya oo uu sheegay in aysan wali hirgalin Heshiisyadii lagu gaaray Garowe.

Waxaa uu maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya oo uu sheegay in uu halkaasi kulamo kala duwan uu kula yeeshay qeybaha kala duwan ee Hay’addaha Gargaarka.

Madaxweyne Xaaf ayaa dowladda dhexe  ku dhaliilay in ay si weyn uga soo horjeedo hormarka maamulka Galmudug, isagoo ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshadda in ay muujiyaan isku tashi.

Xaaf iyo dowlada dhexe ayaa waxaa ka dhaxeeyay Khilaaf muddo soo socday kaasoo ku saleysan hanaanka dhismaha maamulka Galmudug oo waqtigiiso dhammaaday, waxaa sidoo kale khilaaf kala dhaxeeya Madaxweyne ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.