Madaxweyne Xaaf oo maanta Gaalkacyo tagaya

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle Xaaf ayaa lagu waddaa in uu maanta tago Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gobolka Mudug ayaa Risaala u sheegay in Madaxweyne Xaaf uu maanta tagi doono Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug oo Saddexdii Bishii hore lagu doortay Cadaado ayaa wali tagin Magaaladaasi intii uu Madaxweyne Ahaa.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Gaalkacyo ku taagaya Safar dhanka dhulka ah.

Ammaanka degaanka uu sii maraayo Madaxweyne Xaaf ayaa si weyn loo adkeeyay.