Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo baaq ka soo saaray Colaadda ka Taagan Sh/Dhexe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq nababeed u diray  Beelaha ku dagaalamay degaanka Calaag oo ka mid ah degaannada hoostaga degmada Ceel baraf ee gobolka Shabeelada Dhexe

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Face Book Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa u qornaa sidaan:

Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada soohdinta Sh/dhexe iyo Hiiraan inay joojiyaan dagaalka soo cusboonaaday maalmihi la soo dhaafay.

Hay’adaha Amniga iyo wax garadka deegaanka waa inay kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee is dilaya si looga fogaado colaad iyo daadinta dhiigga dadka ehelka ah.

Ugu dambayntii waxaan rajeynayaa dadka walaalaha ah in ay ilaaliyaan daris wanaagga iyo wada noolaashaha, Ilaahayna uga baqaan daadinta dhiigga qof Muslim ah.