Kooxo Hubeysan oo Dad isku Qoys ah ku dilay gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxo Maleeshiya  Beeleeleed oo hubeysan  ay dil iyo dhaawac u geesteen  Dad shacab ah oo deganaa tuulo hoostagta degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya maleeshiyaadka hubeysan ay  weerareen  guri kuyaalla tuulada Xananbuure, waxa ayna halkaasi ku dileen aabe iyo wiilkiisa ,halka ay dhaawac gaarsiiyeen hooyadii qoyskaasi.

Maleeshiyada dilka iyo dhaawaca u geestay qoyska shacabka ahaa ayaa la sheegay in ay goobta ka tagay , waxaana qoyskan dilka iyo dhaawac loo geestay la tilmaamay in ay kasoo jeedaan magaalada Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud .

Dilalka la xiira  aanooyinka qabiilka  ayaa Muddooyinkii dambe ku soo kordhaya  deegaannada Galmudug, waxaana xalay oo u dambeysay duleedka magaalada Dhuusomareeb aano qabiil darteed loogu dilay afar nin oo xoolo dhaqato ahaa.

Maamulka  Galmudug ayaa la sheegay in ay ku guul dareysteen  in ay wax ka qabtaan dilalka salka ku haayana aanooyinka qabiilka ee ka dhacaya degaanada  Galmudug.