Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya ee dhinaca aadanaha Peter De Clercq.
Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiim C/laahi Xaaji Cumar, Guddoomiyaha golaha wakiillada Axmed Cali Xaashi iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Puntland.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Peter De Clercq ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen arimaha bani’aadanimada.
Sidoo kale C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Peter De Clercq ayaa kawada hadlay arrimaha abaaraha ee ka jira Puntland iyo qaabkii Qaramada midoobay iyo Puntland ay isaga kaashan lahaayeen gurmadka abaaraha.



