Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kula kulmay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Kunool Gaalkacyo.
Kulanka ay wada qaateen madaxweynaha iyo sidoo kale bulshada Gaalkacyo ayaa looga hadlaayey amni darada ka jirta waqooyiga Gaalkcyo.
Madaxweynaha Puntland ayaa inta badan bulshadii kasoo qeyb gashay kulanka waxay si wey wax uga waydiinayeen amni darada magaalada iyo in maamulka Puntland ay ku guuldareystay suggida amniga Waqooyiga Gaalkacyo.
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in uu isbedal ku sameeyo madaxda gobolka Mudug,sida taliyaasha ciidanka iyo sidoo kale laamaha amniga Waqooyiga Gaalkacyo.
Puntland ayaa ku guuldareysatay amniga Waqooyiga Gaalkacyo waxana bilihii la soo dhaafay lagu dilay dad muhiim u ahaa bulshada Gaalkacyo.


