Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dhaariyay wasiiro cusub oo kusoo biiray xukuumada Soomaaliya ka dib markii hore xilka looga qaaday laba wasiir oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.
Wasiirada maanta xilkood loo dhaariyay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaarada Caafimadka Mudane Maxamed Xaaji C/nuur
Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xildhibaan Luul Cabdi Aadan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kula taliyay wasiirada cusub in ay shaqadood u gutaan si waafaqsan sharciga.



