Labaatan ku dhimatay weerarkii Dhaka

Milateriga Bangladesh ayaa sheegay in labaatan qof ay ku dhinteen weerarkii xalay ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda Dhaka.

Milateriga ayaa intaa raaciyay in 6 ka mid ah kooxdii weerarka geysatay isla goobta lagu dilay.

Mid ka mid ah kooxdii weerarka fulisay ayaa noolal lagu qabtay.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Sheikh Hasina, ayaa wacad ku martay in ay dalkeeda ka tirtireyso argagixisada.

Dableyda ayaa maqaayada gashay habeennimadii Jimcaha, waxaana ay halkaasi dad ku haysteen saacado badan.

Ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa sheegay inuu fuliyay weerarkaasi.